Garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee Gaalkacyo waxaa ka socda tartan kubadda cagtaa kaasoo lagu maamuusayo halyeeyada ciyaaraha Soomaaliyeed ee Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo Siciid Mugaambo oo 4-tii bishoo April sanadkii hore ee 2012-dii ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.
Tartankan oo uu soo abaabulay madaxa hormarinta dhalinta da'da yar ee waqooyi iyo koonfurta Gaalkacyo C/qani Khaliif (Carabeey) ayaa waxaa ka qayb galaya 12-kooxood, ciyaarahan ayaa garoonka ka furmay 23-kii iyo 24-ka bishan ayaa si weyn waxaa furitaankiisii oga soo qayb galay dhamaan daneeyayaasha ciyaaraha kuwaasoo u riyaaqay kuna tilmaamay xus loo samaynayo halyeeyadaas ciyaaraha, si loo xasuusto alana looga
baryo janadii inuu ka waraabiyo.
Aabdiqani Carabeey oo ka hadlay furitaankii tartanka ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii dalka ay ku reebeen marxuum Wiish iyo Mugaambo isagoo markaasi ay ka muuqatay dareen murugaa dhalintuna ay si aada u dareemeen.
''Runtii mudane Wiish gudoomiyihii Ololmbikada Soomaaliya ayaa ahaa nin u soo dhabar adaygay caqabado badan oo ka soo wajahay ciyaarihii uu ku dhex jiray iyo saamaynta burburka dalka, waxaana uu noqon doonaa masuul Sports oo ku dayasho mudan, Alaha u raxmado ayaanu leenahay'', Ayuu yiri C/qani Carabeey.
Sidoo kale dhalinta ayaa xiliga uu C/qani ka hadlayay waxqabadkii Wiish iyo Mugaambo waxaa ay muujiyeen sida ay mustaqalka u xusi doonaan madaxdaas kaalinta weyn ka soo qaadatay dib u soo kicinta nidaamka ciyaaraha dalka.

C/qani Carabeey ayaa sidoo kale wax ka taabtay waxqabadyadii uu dalka gaarsiiyay gaar ahaan ciyaaraha gudoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya AUN Siciid Maxamed Nuur (Mugaambo), '' Mugaambo waxyaabo badan oo uu qabtay ayaan xasuustaa waxaa ka mid ahayd hirgalintii ciyaaraha gobolada dalka oo muddo dhawr iyo labaatan sano aan la qaban oo qayb weyn uu ka ahaa tartankii 2010-kii lagu qabtay Garoowe, waxqabadkaas waxaa ay si weyn oga wada dhex muuqdeen C/rashiid Baki oo isaguna hada ku nool Kanada, runtii halyeeyadaas ciyaaraha marna illaawi mayno waana xusi doonaa sanad kasta.
Tartankan ayaa la filayaa inuu afarta bisha April ee nagu soo aadan in lagu soo gabagabeeyo garoonka Cawaale waxaana xiisihiisa si weyn looga dareemayaa dhamaan golayaasha lagu falanqeeyo ciyaaraha, waxaana uu noqon doonaa mid dhalinta soo kacaysa kaga mashquuliyo dhaqamo gurracan oo ay baran lahaayeen.

Si kastaba tartankan waxaa hindisay C/qani Carabeey gudoomiyaha hormarinta barbaarta da'da yar ee ciyaaraha xiisaysa isagoo aanan helin wax taageero gudaha iyo dibadda labaduba, bahda ciyaaraha ayaa bulshada gaar ahaan qurba joogta waxaa ay ka codsanayaan inay gacan ka gaystaan hormarinta iyo ballaarinta tartamada iyo ciyaaraha da' yarta.
Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed (Carabey)
Tel: +25290621638 begin_of_the_skype_highlighting
+25290621638 FREE end_of_the_skype_highlighting
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com