Maanta oo ay tahay Jimce 22/03/13 ayaa dalka spain iskaga horyimid labada dal ee kala ah Spain iyo Finland. Cayaarta oo aad loo xiisaynayey kana dhacday garoonka weyn ee El Molinón (Estadio El Molinón). Garoonkaa wuxuu qaadaa dadweyne dhan 30,000 waxaana la furay sannadkii 1908 dii.

Cayaarta maanta oo reer spain filayeen in ku durduriyaan Finland, taas ayaa waxaa beenniyey xiddigaha Finland ay ka midka yihiin Teemu Pukki, Kasper Hämäläinen, Niklas Moisander iyo inta kale oo aan ka liidan.

Cayaarta oo ahayd mid spain rabtay in ay dul marto, haddana taas maysan dhicin daqiiqaddii 49 ayaa waxaa u suurogashay in ay spain helaan hal gool. Kooxda spain sida la wada og yahay Mini Barcelona oo aan ula jeeddo in kooxda inta badan ay yihiin cayaartoyda Barcelona saddex meelood laba ka mid ah.
Cayaartoyda Finland oo aan ka niyad jabin ayaa waxaa ay heleen weerar celin (counterattack), taasoo cayaaryahanka Pukki u saxiixay barbar dhacii.
Cayaartana waxaa ay ku soo idlaatay barbar dhac, weliba lagu cayaarayey ciidda iyo dhulka spain, taageerayaashana ahaayeen inta badan spain.