MUQDISHO - Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhamaan wixii wakiilo ee u fadhiyay daafaha dunida in la Baabi`iyay (Canceled) jiritaankooda sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha GOS C/llaahi Axmed Tarabi.
Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa tibaaxay inuu ogaaday in wakiilo yar ay qabtaan shaqo balaaran, kuwaas oo isku howlay inay soo saaraan dhallinyaro Soomaaliyeed oo Xirfad leh, Islamarkaana si gaar ah ula shaqeeyay Xiriirada heerka Qaran.
Iyagoo u matelayay dalkooda hooyo Tartamada heer gobol, qaarad iyo mid Caalami ah, GOS ayaa si gaar ahna ugu Mahadnaqday waxqabadkooda - Sidoo kale GOS ayaa xustay inay jiraan kuwo aan wax-qabad la imaan.
Wareegtadan ayaa lagu xusay in wixii ka dambeeya 17ka Maarso 2013 aysan jirin wax wakiil ah oo matelaya GOS. Dhinaca kalena Wadatashi lala sameynayo xubnaha qurba-joogta Isboortiga ayaa GOS waxay ku balan qaaday inay fursad heli doonaan qurba-joogta si ay u matelaan dalkooda hooyo.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha GOS C/llaahi Axmed Tarabi ayaa wareegtadiisa ku soo gunaanaday Mahadcelinta xubnihii dalkooda hooyo u muujiyay wax-qabad balaaran.
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441 begin_of_the_skype_highlighting
+14434409441 FREE end_of_the_skype_highlighting
Email:buuna@isboorti.com