header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Tartankii ciyaaraha qaboowga oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Helsinki wadanka Finland

By Abdiaziz Godax on March 18,2013

image

 

Tartanka kubadda cagta ah ee dhalinyaradda cuslaatay ayaa wuxuu baryahanba uu ka socdey magaaladda Helsinki ee caasimadda wadanka Finland,tartankaan ayaa waxaa uu ahaa kii todobaad ee la qabto.

Tartamadda noocan oo kale ah ayaa aad ugu yar inay dadka Soomaalidda ah qabtaan, lakiin ururka dhaqanka iyo isboortiga Finland ayaa waxaa ay u suuro gashay in ku guulaystaan sanadkii todobaad qabashadiisa. Tartankaasi ayaa waxaa ku tartamayey 5 kooxood oo kala ahaa:Southhall oo iyga London ka socdey, Sweden, Denmark, Finland 1, koox ka socotay waqooyiga London iyo Finland 2.

Ciyaartii kama danbeysta aheyd ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Denmark iyo kooxdii ka socotay waqooyiga London ee cariga Ingiriiska, labadan kooxood ee cayaarta faynalka ah isugu soo haray ayaan waxaa ay ka mid ahaayeen kooxihii ugu wanaagsanaa muddadii uu tartankaas socdey, in kasta oo labaduba soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub,haddana horaa loo yiri gari laba nin kama qosliso oo waxaa ay halkaasi ka dib markii ay ciyaartii isla dhaafi waayeen 3 –3 ayaa gabagabadii rigoorooyin ka dib ay guushii ku raacdey kooxddii waqooyiga London oo dadka intiisa badana ay saadaalinayeen inayba kooxda kale isla gaarii doonin rigoorooyin.

Tartankan ayaa waxaa intii uu socdey garsoore ka ahaa garsoore soomaaliyeed oo caan ah kana mid ah garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta Finland,garsoorahan ayaa waxaa magaciisa ay dadka intaba badan ugu yaqaanaan layiraah Garsoore Maaweel,waxaan orankaraa waxaa uu garsooruhu soo bandhigay aqoontiisa heerka ay gaarsiisantahay oo waxaa dadkii kasoo qayb galay ugu wada hambalyeeyeen sida sharafta leh ee uu u dhaxdhexaadiyey muddadii ay ciyaarahaas socdeen.

Tartankan ayaa waxaa sanadkan kuwii hore uu uga duwanaa waxaa kasoo qaybgalay laba qofood oo qorbajoogta soomaaliyeed ay aad u qadariyaan kuwaas oo kala ahaa Aden Ali ahmed oo isga ka yimid wadankaas Talyaaniga laguna yaqaan shaqsi isboorti jacayl ah isla markaasna lagu yaqaan qaybta taageere ee uu ka qaato horumarinta isboorti iyo xiriirinta bahdii hore ee isbooriga. Sidoo kale waxaa dhulkeenii hooyo ee Somaliya si toos ah uga yimid isla mar ahaantaana halkan u yimid si u dhiiri geliyo ururkan qabanqaabinayey ciyaaraha mudadda todobadda sano ah isla markaasna rabay inuu lakulmo qaybaha kale ee diasporada mudane Ing. Ahmed kirish.

Tartankan ayaa waxaa kasoo qayb galay sidoo kale madax hore ee isboorti oo uu ka mid ahaa Agaasimihii hore ee garoonka stadium Muqdisho Abdi Yare sidoo kale waxaa joogay xubin ka mid ah xubnaha xiriirka somaaliyeed ee kubadda cagta Somaaliyeed qaybtiisa diasporaha Mudane Islow,Islow ayaa waxaa lagu yaqaan ka shaqaynta iyo midaynta isboortiga diasporaha.

Dhinaca kale ciyaartoydii heerka koowaad iyo dad isboortiga magac weyn kuleh ayaa joogay oo ay a mid ahaayeenMacalin bashiir Abdi Daahir,Xoghayihii hore ee xiriirka ciyaaraha fudud Cumar dhagaweyne, laacibkii Madbacada iyo xulka Qaranka Eenow,Abdi caagane,Abdi Fitik, Fanax waxool,Baynax, Macow,Bile ahmed diiriye,Aweis,Abdiaziz farah Kulmiye ciyaaryahan caan ku ahaa basketka,Ahmed Bile oo isagana Basketka lagu xasuusto shuuta sedexda dhibcood, Abdiwahab dheere, Alfanaan Iina,Ali Ade, Tigana oo ay dadkoo dhan wada yaqaanaan isla mar ahaantaana lagu yaqaan inuu ka shaqeeyo sidii bulshadda loo mideyn lahaa isla mar ahaantaana wadankii si wada jir ah wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ee tartanka Ahmed Abdullahi Mahamud(Imad) ayaa isagu ka warbixiyay qaabkii uu tartanku ku billowday iyo sida uu ku soo dhammaaday, waxaana uu ammaan ballaaran u soo jeediyay dadkii ka shaqeeyay tartanka iyo kooxihii tartanka ka soo qaybgalay oo suurogaliyay in tartanku noqdo mid lagu najaxo, sidoo kale Imad ayaa u mahadceliyey dhamaan warbaahintii halkaas kusugnaa. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu mahadcelin balaaran u diray dadkii kalasoo shaqeeyey qabanqaabadan oo iyaga laf dhabar u ahaa inuu qabsoomaan ciyaarahan Yasin Abdi Rage,Juujuule,Qooje,Abdiseleebaan, Mahadad Laba dhagax,Abdiweli,Abdifatah,Maradona iyo Macalin Xashi.

ugu danbayntii tartamada noocan oo kale aha ayaa waxaa ay suura gelinaysaa in ay bulshada isku soo dhaweeyaan islamar ahaantaana kawada shaqeeyaan sidii wadanka loo hormarin lahaa.



Abdiaziz Godah
 


286 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 2 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
ing._mansur_ali
أجمل محاضرة للإعجاز العلمي في القرآن
logo_d._h._muqdisho Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker