Roy Hodgson Maamullaha xulka qaranka England ayaa dib ugu yeeray daafaca kooxda Manchester United Rio Ferdinad kaasi oo horay looga tagay marar badan.
Kooxda uu soo magacaabay Macalinka England Hodgson ee wajihi doonta Xulalka San Marino iyo Montenegro labada kulan ee soo aadan ayaa lagu dhex arkay Rio Ferdinand oo aysan dad badan filaneyn. Waa markii ugu horeysay 34-sano jirkan uu uyeerayo Maamule Roy Hodgson tan iyo markii Maamullihii ka dhigay kabtanka xulka saddexda Libaax shaqadda laga ceyriyay.
Waxaa sidoo kale muddo 2-sano ah ka dib loo yeeray daafaca adag ee kooxda Tottenham Michael Dawson kaasi oo buuxin doona booskii Joleon Lescott.
Halkan Ka Aqriso Dhamaan Ciyaarotydii la soo Magacaabay xulka England
Gool-hayeyaal: Ben Foster (West Brom), Joe Hart (Manchester City), Fraser Forster (Celtic).
Daafacyadda: : Leighton Baines (Everton), Gary Cahill (Chelsea), Ashley Cole (Chelsea), Michael Dawson (Tottenham), Rio Ferdinand (Manchester United), Glen Johnson (Liverpool), Chris Smalling (Manchester United), Kyle Walker (Tottenham).
Khadka-dhexe: Michael Carrick (Manchester United), Tom Cleverley (Manchester United), Steven Gerrard (Liverpool), Frank Lampard (Chelsea), Aaron Lennon (Tottenham), James Milner (Manchester City), Leon Osman (Everton), Scott Parker (Tottenham), Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal), Theo Walcott (Arsenal), Ashley Young (Manchester United).
Weerayahannadda: Jermain Defoe (Tottenham), Wayne Rooney (Manchester United), Daniel Sturridge (Liverpool), Daniel Welbeck (Manchester United).