header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

FIFA oo tababar u furtay garsooreyaal Soomaaliyeed

By Abdirahman Mire on March 04,2013

image

Tababar dhinaca garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa maanta magaaladda Jabuuti uga furmay 28 garsoore oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana tababarkani uu qeyb ka yahay dadaal si wada jir ah ay u sameynayaan ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta loogana gol leeyahay in xagga garsoorka Soomaaliya looga horumariyo. Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha xiriirka Cali Saciid Guuleed, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Jabuuti Maxamed Yaasiin, Guddoomiyaha guddiga tartamada xirirka Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) iyo madax kale.

pgoto_3_400

Madaxa xafiiska wax barashadda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali maxamed Axmed oo ugu horeyn munaasabadda furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in xiriirku uu waqti badan iyo dadaal geliyay sidii uu tababarka u geyn lahaa garsooreyaal da’ yar arrintaasna lagu guuleystay maanta. “Halkan waxaa ku sugan garsooreyaal tayo wanaagsan oo ka kooban kuwo dhalinyaro ah oo heer qaran ah iyo kuwo heer caalami ah taasi waxaa ay muujineysaa sida xiriirka ay uga go’antahay in uu horumarka garsoorka hoos kasoo bilaabo”ayuu yiri madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Soomaaliyeed Cali maxamed Axmed.

photo_1_400

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubadda cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin oo isna goobta ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyay garsooreyaasha Soomaaliyeed dalkiisa isaagoo sheegay in Jabuuti aanay ku ahayn marti ama dad ajaanib ah laakin ay joogaan dalkoodii labaad. “Waan ogahay in badankiin aad ogtihiin in Jabuuti dalkiinii tahay laakin kuwa aan wali horay halkan u imaan ayaan u sheegayaa”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin.

photo_2_400

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku uu waligiisba ahmiyadda koobaad siinayay dhanka horumarinta garsoorka, maadaamabuu yiri garsoorku uu laf dhabar u yahay inta badan howlaha xiriirku qabto. “Anigoo ku hadlaya macaga xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa ururka FIFA dadaalkiisa aan dhammaadka lahayn ee Soomaaliya gaarsiiyay horumar la taaban karo—FIFA waxay sameysay wax kasta oo karaankeeda ah oo ka hor joogsaday kubadda cagta Soomaaliya in ay bur burto, isku daygaas wanaagsana waa lagu guuleystay sababtoo ah Soomaaliya caalamka kale ayay la socotay muddo ka badan 22 sanadood oo dalku soo dhex dabaasahay dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa iyo sharci darro dunida soo maray”ayuu xoghayaha guud ka sheegay munaasabaddii furitaanka tababarkan maanta.

Waxaa uu sidoo kale xoghayaha guud amaan usoo jeediyay dowladda, madaxda xiriirka kubadda cagta iyo dhammaan shacabka Jabuuti oo uu sheegay intii karaankooda ah in ay garab istaageen wallaalohooda Soomaaliyeed. Dhankiisa Ahmed El Shenawi oo wakiil ka ah xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee magaalada Qaahira ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed in uu sameeyay dadaal dheeri ah marka loo eego xagga horumarinta garsoorka. “Anigoo ku hadlaya magaca FIFA waxaan aad ugu faraxsan yahay garsooreyaasha da’da yar qaab dhismeedka jirkooduna wanaagsan yahay oo maanta horteyda ka muuqanaya”ayuu munaasabadda ka sheegay Ahmed El Shenawi.

Dhamaan madaxdii goobta ku sugyenyd, garsooreyaasha tababarka u fadhiya iyo saxafiyiintii meesha u yimid in ay tababarka ka soo waramaan ayaa la istaagay sacab ka dib markii Ahmed El Shenawi uu ku dhawaaqay in FIFA qorsheyneyso tababarka sanadka soo socda in ay ku qabato caasimada Soomaaliya ee Muqdisho hadii xaalada amaan ee dalku ay sii horumarto. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa ku amaanay waaxda horumarinta gasoorka soo diyaarinta dhalinyarada aadka u da’da yar. “Waxaan idinku boorinayaa in aad muujisaa dadaal dheeri ah iyo u go’doomid shaqadiina mudada tababarku soconayo, ka qeyb gal xumo iyo in aaan si fiican loogu dhaga nuglaan casharka macalimiintu bixinayaan waxaa ay idin keeni karaan dhibcihiina oo hoos u dhaca ama macalimiinta oo idinka xanaaqa”ayuu garsooreyaasha u sheegay gudoomiyuhu ka hor intii aanu ku dhawaaqin furitaanka tababarka.

 

Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa macallin ka ah Lim Kee Chong oo uu kaalayo Boubakar Hanshi, halka madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Cali Maxamed Axmed uu isu duwe ka yahay tababarka oo sidoo kale madaxa xafiiska horumarinta garsoorka Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) uu caawin doono macalimiinta FIFA mudada tabbarku soconayo.

 

By Shaafici Muxuyadiin

Email:shafislow@yahoo.com

 


254 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 5 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
ing._mansur_ali
أجمل محاضرة للإعجاز العلمي في القرآن
logo_d._h._muqdisho Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker