header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728



Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Xulashada somalisc.com Samuel Oto 'o xidigii ku guuleystay gool dhalinta koobka 26 -aad , 16 hogaankana u haya tar tanka gool dhalinta Africa Cup of Nations.

By Muuse Osman on February 18,2008

image
Akhristayaasha sida gaarka ah u xiiseeya bogeena todobaadlaha ah ee xulashada somalisc.com waxaan u soo gudbineynaa taariikhda isboorti ee Samuel Eto'o Fils xidigii ku guuleystay gool dhalinta koobkii 26 -aad oo 20 kii janaayo ilaa 10 kii feberaayo 2008 ka dhacay magaalada acra ee dalka chana , isla markaana hogaanka u haya tar tanka gool dhalinta koobka qaramada qaarada afrika african nations cup .
Samuel Eto'o Fils wuxuu ku dhashay magaalada DOULA ee dalka CAMEROON 10 kii march 1981, da diisuna waa 26 jir, wuxuuna fagaarayaasha ciyaaraha ka soo muuqday sanadkii 1996 kii xiligaas oo uu saftay kooxda heerka labaad seria B ee REAL MADRID , oo uu u ciyaarayey ilaa iyo 1997 kii, kolkaas oo uu u waregay kooxda Club Deportivo Leganés oo ka dhisan Leganés oo u dhoe magaalada madrid xarunta dalka spain, halka uu sanadkii 1999 kii u wareegay kooxda RCD Espanyol de Barcelona oo heerka koowaad serie A aheyd.
Samuel eto 'o sanadkii 2000 wuxuu ka mid noqday kooxda Real Club Deportivo Mallorca, hase yeeshee 29 kii maarso 2004ayuu uga sii gudbay kooxda FC BARCELONA oo uu ilaa haatan u ciyaaro , waana weerar yahanka afka hore oo ay ku dhaarato kooxda barcelona, sanadkii 1996 kii ayuuna SAMUEL ETO "O ka mid noqday ciyaartoyda xulka qaranka ee reer CAMEROON, bishii maarso 9 keedii 1996 kii ayuu SAMUEL ETO "O oo 15 jir ah ka qeyb galay ciyaar 5- 0 xulkiisa COSTA RICO kula dur durisay.
SAMUEL ETO 'O wuxuu noqday ciyaar yahankii ugu da ' da yaraa ee ka qeyb gala koobkii aduunka fifa world cup ee 1998 kii lagu qabtay dalka france, wuxuuna u saftay ciyaar 17 kii juun 1998 kii xulka talyaaniga 3 - 0 ku maquuniyay reer cameroon, 17 sano iyo 3 bilood jirkiisii ayuu saxiixay goolka kaliya ee uu ka dhaliyay koobkii aduunka 2002 goolkaas oo uu ku hubsaday shabaqa xulka sacuudiga 6 dii juun 2002, SAMUEL ETO "O wuxuu ka mid ahaa xidigihii reer cameroon ee sanadihii 2000 iyo 2002 sida xiriirka ah ugu guuleystay koobka qaramada afrika,( african cup of nations.).
SAMUEL ETO 'O sidoo kale wuxuu xulka cameroon kula guuleystay koobkii dahabka 2000 Summer Olympics ee ka dhacay magaalada sydney ee dalka austaralia,ETO 'O wuxuu khasaariyay rigoorihii ay barbaraha kula noqon lahaayeen xulka ivory coast koobkii 25 aad ee qaramada afrika ee lagu qabtay dalka masar taas oo keentay in xulkiisa camaruun ay ku haraan rubac finalka, Goolkii rigooraha ahaa ee uu ka dhaliyay xaulka sambia 25 kii janaayo 2008 ayaa u suura galiyay in hogaanka gool dhalinta koobka qaramada qaarada afrika la wadaago LAURENT POKOU oo 14 gool hogaanka ku hayey, halka goolkii uu xulka sudan 30 kii janaayo 2008 ka dhaliyay u horseeday in uu hogaanka u qabto tar tanka gool dhalinta koobka qaramada afrika.
SAMUEL ETO 'O oo sanadkii 2003 loo aqoonsaday ciyaar yahanka ugu wanaagsan qaarada afrika , ayaa ku guuleystay tar tarka gool dhalinta koobka 26 -aad ee qaarada afrika , wuxuuna sidoo kale noqday ciyaar yahanka hogaanka u haya tar tanka gool dhalinta AFRICAN CUP OF NATIONS , kadib markii uu 2 gool ka sare maray xidiga reer ivory coast LAURENT POKOU, 16 gool ayuuna SAMUEL ETO 'O haatan leeyahay.
By : Muse Mohamed Osman - President of SSPA
Somalisc.com news desk-Mogadishu-Somalia
Contact:somalisportspress@yahoo.com

381 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 4.83Rating: 4.83Rating: 4.83Rating: 4.83Rating: 4.83 (total 6 votes)
comment Comments (0 posted)
mosque
kcagta1_copy
semcay_logo_01
sweekbball2010
ntl2_01_01
English TV's Live
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
eXTReMe Tracker