header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

SOOMAALIYA OO KU GUULAYSTAY MAARTA (KAALINTA SADDEXAAD)

By Abdirahman Mire on February 27,2013

image

Maxamed Deeq oo ka mid ah labada cayaaryahan oo xulka Soomaaliya u matalaya cayaaraha caalamiga ah ee Taekwondo ga kana socda magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa ku guulaystay biladda maarta ah ama kaalinta saddexaad ee tartankaasi oo ay ku kulmeen cayaartoy badan oo ka kala timid dunida.

182_400

Guushan ayaa ka dhigaysa biladdii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ka hesho cayaaro caalami ah ayadoo dhinaca kale uu cayaaryahankii kale ee Faisal Aways uu asaguna galay kaalinta afaraad ee culayskii uu ka tartamayey, ayadoo sida lagu soo waramayana dagaalkiisii ugu dambeeyey ee uu kula tartamayey cayaaryahan ka socda dalka Masar uuna garsoorayey garsoore u dhashay isla dalkaasi aan si cadaalada ku dhisan loogu garsoorin inkastoo uu dagaalkan isla gaareen heerkii ugu dambeeyey.

mdeqmacalin_400

Guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Abuukar Shaamo oo hogaaminayey cayaartoydan ka qaybgalaya tartanka (5th Alexandria Open Championship) ayaa ku tilmaamay guulahan kuwa mira dhal ah isla markaana ay cayaartoyda Soomaaliyeed ee Taekwondo ga markii ugu horeysay taariikhda ka soo muuqan doonaan liiska kala horeynta cayaartoyda ee xiriirka Taekwondo ga dunida. “Aad ayaan ugu faraxsanahay natiijooyinka wanaagsan ee ay keeneen Faisal iyo Maxamed-Deeq waxaanan filayaa in guulahani u horseedi doonaan cayaartoyda Soomaaliyeed eek ala cayaara cayaaraha kala gedisan kuna nool dunida dacaladeeda in ay ku soo dhiiradaan sidii ay u matali lahaayeen dalkooda anaguna GOS ahaan aan ugu fududayn lahayn ka qaybgalka cayaaraha caalamiga ah taasoo horumar iyo magacba u keeni doonta dalkeena” ayuu yiri Ibraahim Shaamo oo la hadlayey warfaafinta Soomaaliyeed asagoo ku sugan magaalada Alexandria.

mdeqfai_400

Guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamo oo biladdii guddoonsiiyey Maxamed-Deeq. Shaamo ayaa dhinaca kale uga mahadceliyey Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwond ga, labadan cayaaryahan iyo macalinkooda oo iska xilsaaray sidii ay Soomaaliya magaceeda uga muujin lahaayeen cayaarta Taekwondo ga oo ah mid aan magic dheer ku lahayn dalkeena inkastoo uu xiriirka Soomaaliyeed u galay juhdi fara badan sidii uu sare ugu qaadi lahaa magaca cayaartan. Labadan cayaaryahan oo ka yimid dalka Switzerland oo ay ku noolyihiin ayaa waxaa la filayaa in ay sii kordhin doonaan tababarkooda isla markaana ka qaybgali doonaan tartamo kale oo caalami ah kuwaasoo u suuragelin kara ka qaybgalka cayaaraha Olimbikada ee ka dhici doona dalka Brasil 2016 ka.

 

 

 

Xigasho: www.nocsom.com

 

 


253 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 8 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
ing._mansur_ali
أجمل محاضرة للإعجاز العلمي في القرآن
logo_d._h._muqdisho Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker