header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Xulka Qaranka Nayjeeriya soo bandhigey xirfaddiisa

By Abdirahman Mire on February 07,2013

image

Koobka Qaramada Africa ee (CAF) African Cup of Nations 2013 oo si xiiso leh uga socda garoomo ku yaala dalka South Africa ayaa waxaa cayaartiisa kama dambeeysta ah ama Fiinaalka iskugu soo haray dalalka Nayjeeriya iyo Burkino Faso oo soo kala reebay xulalka Maali iyo Ghana. Xulka Qaranka Nayjeeriya oo Caalamka looga yaqaan (Super Eagles) ayaa kaarto cajiib ah waxa ay ku reebeen Xiddigaha Qaranka Maali kuwaas oo kaga badiyay 4-1. Kulankaan waxaa qeeybtiisa hore intii aanan Goolasha la iska dhalin awood badneed ama garoonka fak fak la soo gashay Maali balse Qaranka Nayjeeriya ayaa Kubadii u baddalay Taaktikadda loo yaqaan (One Touch) oo inta badan laga ciyaaro horyaalka dalka Ingiriiska ee the Premier League.

 
nigeri_400.

Cayaartaan oo eheed mid aad u xiiso badan maadaama labada Qaran ay soo kala reebeen dalalka Ivory Coast iyo South Africa oo loo saadaalinayay in ay qaadi doonaan ama la hoyan doonaan xili cayaareedkaan koobka Qaramada Africa. Darsinka Goolasha ah ee xulka Qaranka Nayjeeriya waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Elderson Echiejile (daqiiqadii 25-aad), Ideye Brown (daqiiqadii 30-aad),Emmanuel Emenike (daqiiqadii 44-aad) iyo Cayaaryahan Ahmed Musa oo goolka afaraad dhaliyay ka dib markii uu ka dhex siibtay Difaaca Maali (daqiiqadii 60-aad). Goolka Agoonka ah ee xulka Maali waxaa u saxiixay dhamaadkii cayaarta cayaaryahan Cheick Diarra (daqiiqadii 75-aad).

Xulka Qaranka Nayjeeriya ee (Super Eagles) waxa ay koobkaan heeystaan kaliyah 2 jeer waana sanadihii 1980-kii iyo 1994-kii balse xulka Nayjeeriya ayaa Fiinaal ay soo gaaraan koobka Qaramada Africa waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2000 waxaana xiligaas Rigooreyaal kaga qaaday xulka Cameroon. Qaranka Nayjeeriya oo xili cayaareedkaan koobka Qaramada Africa ku bilaabay taak dari iyo dhoor jeer oo Bareejo lagu qabtay waxa ay ka soo kacsadeen gadaal waxaana xulkaan awood cusub ku soo kordhiyay Laacibiinta kooxda Fc Chelsea ee horyaalka Ingiriiska John Obi Mikel iyo Victor Moses . Sidoo kale weeraryahanka kooxda Spartak Moscow ee horyaalka Ruushka Emmanuel Emenike ayaa xulka Nayjeeriya waxa uu ka caawiyay afka hore.


214 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 3 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
ing._mansur_ali
أجمل محاضرة للإعجاز العلمي في القرآن
logo_d._h._muqdisho Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker