header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

XULKA SOOMAALIYA OO KU DURDURIYEY KENYA

By Abdirahman Mire on January 22,2013

image

Cayaar aad u xiiso badan oo ka mid ah wareega 1-aad ee Cayaaraha Kubada Koleyga Africa (Zone V ANC 2013) ayaa daqiiqado ka hor kusoo gaba gaboobay Garoonka Kubada Koleyga ee Magaalada Dar el Salam dalka Tanzania, taasi oo ay isaga hor yimaadeen Xulka Qaranka Wiilasha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Kuwa dalka Kenya.Waxaa Xulalka  ku wada jira Group B, ayaa mid waliba waxa uu rajo ka qabay in uu u gudbo Cayaarta Semefinalka ee Tartanka, iyadoona Group B ay ku loolamayaan 3 Kooxood oo kaliya kuwaasi oo kala ah Somaliya, Kenya, iyo Brundi.

Xulka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu usoo gudbay Wareega Semefinalka Cayaaraha (FIBA AFRICA ZONE V ANC 2013) ka dib markii 81 – 78 uu afka ciida ugu daray Xulka Qaranka Kubadda Koleyga dalka Kenya. Soomaaliya ayaa kulankeeda labaad waxa ay la ciyaari doontaa Xulka Brundi, Habeen dambe saacada Marka ay tahay 8:00- Habeen nimo iyadoona Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in ay Afka Ciida u darto Xulka Brundi si ay u tiigsato Cayaarta Finalka ee Tartanka Kubada Koleyga Cayaaraha Afrika.

qaranka_400

Macalinka Xulka Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliya Cumar C/qaadir Baarajab, Xoghaye Saciid Faarax, Guddoomiye kuxigeenka XKK Maxamed Xaaji, Madaxa Wafdiga Axmed Muuse iyo Macalinka 2-aad ee Qaranka dalka Qatar Bashiir Fox, ayaa intoodaba Rajo ka muujiyay in sanadkaan Xulka Qaranka Wiilasha Kubada Koleyga Soomaaliya uu la hoydo Koobka. Guusha ay Maanta gaareen Qaranka Wiilasha K/Koleyga Soomaaliya ayaa waxa uu Bahda Isboortiga dib u xasuusinayaa Awoodii Xulka Qaranka K/Koleyga Soomaaliya ay lahaayeen 21-sanadood ka hor, inkastoo guushaan ay ka horeesay wacdarihii Xulka Qaranka gabdhaha Kubada Kolyega Soomaaliya ay ka dhigeen Cayaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhacay Doha.


253 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 5 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker